2028 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022

Maamulka Gobolka Banaadir oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2022
____________________________________________________________________________

Khamiis December 30, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga doodayay Ansixinta Miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose Xamar ee sanadka 2022 oo ay meel mariyeen.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka iyo sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir.

Goobta uu shirka ka socday ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Miisaaniyadda maamulka Banaadir ku shaqeyn doono sanadka 2022, kaas oo ah mid daahfuran oo qeyb ka qaadan doono ka hortagga Musuq-maasuqa iyo xoojinta isla xisaabtanka nidaamka maaliyadda la xariira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post