1977 Views

Ilaa lix qof oo ku hariqmay xeebaha badda Puntland

Ilaa lix qof oo ku hariqmay xeebaha badda Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 23, 2018 – Ilaa Lix qof ayaa shalay ku qariqmay xeebaha Badda Puntland, kuwaasi oo Hal Doon wada saarnaa, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Dadaalo badan oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in la soo helo meydka Hal ruux oo Badda ay soo caariday, waxaana lagu ogaaday raggan inay Badda qaaday, kadib markii la waayay xilligii ay shaqada ka soo bixi jireen.

Weli waxaa la la’yahay Shantii qof iyo Doonidii ay wateen, waxaana socda dadaalo badan oo dadkaasi lagu raadinayo, xilliyadan oo kale waxaa jira Dabeylo aad u xoogan oo dhanka Badda ah, taasi ayaana sababtay in dadkan la wayo.

Dhalinyaradan oo ka soo kala jeeda gobolada dalka ayaa waxa ay ku shaqeysan jireen xoogooda, iyaga oo nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray Badda, weliba aanay heysan qalab casri ah oo bad baadin kara marka qatar nuucaan oo kale ah ay jirto.

Kalluumeysato aad u fara badan ayaa ku tiirsan ka kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale lagu guda jiro waqtiga Bad xiranka, taas oo Qatar ku keeneysa Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment