876 Views

Guddiga Doorashada Heer Fadraal oo Agabkii Doorashada u kala diray DG Dalka

Guddiga Doorashada Heer Fadraal oo Agabkii Doorashada u kala diray DG Dalka
____________________________________________________________________________


Axad: November 14, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka ukala diray Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland si Loo Bilaabo Doorashada Aqalka Hoose

guddiga Ayaa sheegay in maalmaha Soo socda la filaayo in ay ka bilaaban doonto Doorashooyinka Gollaha Shacabka.

Kuraasta Golaha Shacabka Ayaa si gaar ah Isha Loogu hayaa waxaana ka Jira Loolan adag, waxaana ku Hardamaya Xisbiyada ugu adag Dalka.

54 Kursi oo ka mid ah Aqalka Sare Ayaa qaadatay Muddo 4 bil ka badan, waxaana la saadaalinayaa in 275 Mudane oo Aqalka Hoose ay qaadan doonto Doorashadooda in ka badan 8 Bilood..

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post