789 Views

Maxkamad Maraykan ah oo diiday racfaan Trump u gudbiyey

Maxkamad Maraykan ah oo  diiday racfaan Trump u gudbiyey
____________________________________________________________________________

Maxkamad racfaan oo heer federaal ah ayaa si adag u diiday dacwad [saraakiisha] ololaha Trump ku doonayeen in lagaga horjoogsado madaxweynaha la doortay ee Joe Biden in loogu dhawaaqo in isagu yahay musharaxii ku guulaystay gobolka Pennsylvania.

Garsooreyaal saddex ah ayaa isku raacay in dacwaddaasi aanay wax caddaymo ah wadan, waxaanay sheegeen in ololaha Trump aanu soo badhigin eedo la taaban karo iyo caddaymo toona.

Xukunkan ayaa noqonaya in mar labaad uu xagal daacay isku daygii Madaxweyne Trump ku doonayey in la buriyo doorashadii dhacday 3 Noofember.

Khamiistii ayuu sheegay in uu xilka ka degi doono hadii la caddeeyo in Biden isagu ku guulaystay doorashada.

Laakiin Jimcihii ayuu hadana mar labaad sheegay eedayn aanu caddayn u hayn oo ah inuu dhacay “musuqmaasuq baaxad leh oo doorasho”.

Waxaanu qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku yidhi “Biden wuxuu Aqalka Cad geli doonaa oo keliya hadii uu caddeeyo in qosolkan taagan ee ah 80,000.000 ee cod ee uu helay aanay ahayn kuwo xatooyo ah oo aan sifo sharci darro ah lagu helin.”

Maxkamadda Racfaanku Maxay xukuntay?

Makamadda heerka gobol ah ayaa markii hore dacwadda loo gudbiyey oo laga codsadey in ay buriso xukunka ay hore u ridday mid heer degmo ahi. Taas oo tuurtay dacwadda ololaha Trump ku doonayey in lagu buriyo malaayin cod oo laga dhiibtay gobolka Pennsylvania.

Xukunkaa maxkamadda heerka hoose ahi wuxuu furay in loolan sharci oo ka bilaabmay gobolkaas oo lagu deedafaynayo doodda Trump oo lagu caddaynayo in Joe Biden ku guulaystay oo uu gobolkaa ka helay 20 cod oo gole-doorashada gobolkaas, taas oo u sahlaysa inuu madaxtinimada dalkaas ku guulaysto.

Garsooraha maxkamadda racfaanka ah, Stephanos Bibas, ayaa xukunka uu riday ku sheegay in “doorasho xor oo xalaal ahi tahay halbowlaha dimuqraadiyadda dalkeena. Eedo ah in meelaha qaarkood ka dhacaan khaladaad waa wax dhici kara laakiin in doorashadii oo dhan lagu tilmaamo mid aan xalaal ahayn iyada oo aan caddayn loo hayni ma burin karto”.

Eeddu waa in ay ku qotontaa caddaymo la soo bandhigo. Waxba la nama hor keenin” ayuu intaa ku daray.

Waxa gabaabsi ah wakhtiga maadaama oo ay tahay in gobolladu ugu dambayn 8 Diisember go’aan ka gaadhaan khilaafka doorashada ka hor inta aanay shir isugu iman ergada gole-doorashadu 14 Diisember si ay u shaaciyaan cidda guulaysatay.

Waxa se jira arimo gaar ah oo la sameeyo intaan la dhaarinin madaxweynaha la doorto. Waana kuwan dhacdooyinkaas iyo taariikhda ay qorshaysan yihiin in ay dhacaan:

  • 8 Diisember, waa maalinta kama dambaysta ah ee ka gar naqa wixii muran iyo dood laga qabo natiijada doorashad ah.
  • 14 Diisember, waa maalinta ay xubnaha gole-doorashooyinku ku dhawaaqayaan qofka guushu ku raacday doorashadii madaxtinimada.
  • 23 Diisember, waa maalinta kama dambaysta ah ee loo soo gudbinayo natiijada codbixinta gole-doorashooyinka.
  • 6 Jeeniweri ayaa Congress-ku tirinayaa codbixinta gole-doorashooyinka oo ansixinayaa.
  • 20 Jeeniweri waxaa xilka loo dhaarinayaa madaxweynaha la doortay.

Sababaha guul darrada Trump

Doorashada 2020-ka Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa iney ahayd mid fakarradi khaldanaa saxday, isla-markaana soo gabagbeysay dhacdadi taariikhiga ahayd ee doorashadi 2016-ki.

Donald Trump wuxuu ku guuleystay in ka badan 70 milyan oo cod, tirada codadkaasi oo noqonaya kii labaad ee ugu sarreeyey tariikhda Mareykanka. Qaran ahaan wuxuu ka helay in kabadan 47%, isaga oo u muuqda inuu ku guuleystay 24 gobol, oo ay ku jiraan gobollada Florida iyo Texas ee aadka looga taagero

Falanqeynta lagu sameeyey khaladaadka siyaasadeed uu Trump ku sameeyey doorashada 2020-ka waxaa sida oo kalana barbar socday waxyaaba uu ku wanaagsanaa.

Inkasta oo laga guuleystay haddana wuxuu noqday mid ka mid ah siyaasiyiinta xilligan casriga ah ee aan helin afar sano oo kale oo madaxweynanima ah.

Caada gooynta

Donald Trump wuxuu ku guuleystay doorahadi 2016-kii sababta oo ah wuxuu noqday siyaasi aan horay siyaasadda galgal badan ugu laheen haddana gooyey caadadi horay u jirtay isla-markaana ka dhawaajiyey waxyaaba aan horay looga dhiirran.

Sida oo kale Donald Trump wuxuu ku guul darreystay doorashada madaxweynanimada ee 2020-ka dhacday.

Joe Biden wuxuu si weyn wax uga beddelay waxqabadki ay Clinton 2016-kii ka muujisay 373 magaalo, isaga dib xisbigiisa ugu soo celiyey kalsoonida gobollada Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin sida oo kalana wuxuu hantay Georgia iyo Arizona. Donald Trump wuxuu sida oo kale tageera la’aan uu kala kulmay hawenka magaalooyinka ku nool.

Waxaan markale u soo joognay doorashada 2020-ka ee madaxweynanimada si la mid ah doorashadi xilliga dhexe ee 2018-ka siyaasiyiin aqoon leh isla-markaana ah rugcaddaa qaar ka mid ah oo afar sana ka hor u codeeyey Trump waxay iisu diyaariyeen iney fursad kale siiyaan, waxayna moodayeen madaxweynanimadiisa iney madaxweynanimada aad uga madax bannaan tahay.

Waxaa dib u dhaca ku keenay qallafsanaanta dabeecadihiisa. Isaga caadeystay abuuridda xiisadaha isirka ku saleysan.

Wuxuuna farriimo isir neceyb ah uu ku beeegsanaya dadka aan caddaanka ahayn sii joogta ah u soo dhigayey bartiisa Twitter-ka.

Isaga oo marar badan isku tilmaamay inuu yahay ‘Geesi aan la hoollin karin” iwm. Fikradihiisa shirqoollada uu ku dhiirra gelinayo. Isaga oo mararka qaar farageliyo howlaha laamaha dambi baarista oo sida dambi baare iska dhiga.

Sida marka uu qareenkiisa hore ee Michael Cohen uu ku tilmaamay “Jiir”.

Dabeecadihiisaasi madax adayga iyo qallafsanaanta ku dhisan, waxaa sida oo kale ay ka muuqataa sida uu u diiday inuu aqbalo natiijada doorashada ka soo baxday.

‘Shacabka wuu daalay’

Waxyaabaha aniga ahaan ii muujinaya iney shacabku Trump ka daaleen waxaa ka mid ah xilligi uu ololaha socday oo aan ku sugnaa Pittsburgh, waxaan la sheekeystay Chuck Howenstein wuxuu ii sheegayna waxay ka soo baxday taageerayaashi Trump ee 2016-ki doortay iney u codeeyeen Joe Biden.

“Shacabka wuu daalay” ayuu igu yiri. “Waxayna doonayaan wax weliba iney sidoodi ku soo noqdaan siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada intaba. Waxayna doonayaan iney arkaan hadallada naceybka oo istaagay. Waxayna doonayaan dalkan oo mideysan. Shacabka Mareykanka oo isbahaystayna waxay ku guuleysteen iney madaxweyne u doortaan Joe Biden.”

Khaladka siyaasadeed uu sameeyey Trump ayaa waxaa ka mid ahayd inuu ku guul darreystay inuu taageerayaal uu ka sameysto meel ka baxsan inta ku hareereysan. Weyna ku adkaatay inuu sidaasi sameyo. 2016-ki wuxuu ku guuleystay 30 gobol, inta badan wuxuu u muuqday mid xukumo Mareykanka caddaanka oo keli ah. Madaxweynihi wakhtiga ugu badnaa geliyey si ula kac ah inuu u qaybiyo shacabka Mareykanka 100-ki sano ee la soo dhaafay ayuu noqday, inksata oo uu samyeey iskuday aan badneen oo uu ku doonayey inuu ku soo jiito taageerayaasha aan caddaanka ahayan ee 20-ka gobol ku nool ee u codeeyey Hillary Clinton.

Afar sana oo ay ka soo daaleen Trump kaddib shacab aad u badan waxay u codeeyeen si ay u helaan madaxweyne akhlaaq ahaan iyo anshax ahaanba ka wanaagsan madaxweynaha afarti sano ee la soo dhaafay aqalka cad ku jiray. Waxayna shacabku ka soo daaleen ereyada anshax xumada uu adeegsado iyo magacda aanmunaasabka ahaynuu dadku ugu yeeraan, iyo dagaalka afka ah oo aan dhammaad lahayn. Waxayna doonayaan iney arkaan ugu yaraan dalka oo ay wax weliba caadigooda ku soo noqdeen iney arkaan.

Doorashada 2022-ka ma ahayn oo keli ah doorasho balse waxay ahayd mid ay hareeyeen arrima badan. Maanlinti ay codbixinta doorashada 2020-ka dhaceysay oo keli ah cudurka safmarka ee corona waxaa u dhintay dad ka badan 230,000 oo muwaaddiniin Mareykan ah.

Balse musharraxa 77 jir-ka ee Joe Biden isaga oo ka faa’ideysanayo dhibaatooyinkaasi wuxuu gutay waajibki loo igmaday waxayna taa u horseedday inuu doorashada guul ka gaaro.

Su’aashuna waxay tahay maxa sababay inuu Trump doorashada ku guul darreysto, waa su’aal muhiim oo dood keeni, balse waxaa la isweydiin karaa halkey guul darrada madaxweynanimada uga timid?

Saacadihi ugu horreeey oo guusha doorashada loo dhaariyey Trump wuxuu la soo baxay hadallo kakan oo dadki u codeeyey oo dhan ay la dhakafaaleen.

Cudurkan safmarka ee sanadkan dunida hereeyey ee coronavirus ee ay malaayiintu ku dhinteenna waxay noqotay mid si weyn u saameysay in madaxweyne Trump markale dib loo soo doorto.

Inta uusan iman cudurka safmarka ee dunida saameeyey heerka uu hadda marayana uusan gaarin maqaamka siyaasadeed ee Trump wuxuu ahaa mid xooggan. Wuxuuna ka badbaadiyey dacwaddi xilka qaadista ee lagu qaaday. Waxayna taageerada siyaasadeed uu haysto xilligaa lagu qyaasay 49%. Balse marka uu cudurka safmarka dillaacay oo uu dhaqaalaha Mareykanka si weyn u saameeyey waxaa soo yaraatay rajadi uu ka qabay in markale madaxweynanima loo soo doorto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post