7617 Views

C/raxmaan Gentleman – Dookha shacabka ee Madaxweynaha Mustaqbalka Soomaaliya (2016)

C/raxmaan Gentleman – Dookha shacabka ee Madaxweynaha Mustaqbalka Soomaaliya (2016)
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | June 16, 2016 – C/raxmaan Maxamed Siciid (C/raxmaan Gentleman) oo ah aqoonyahan ku taqasusay culuunta siyaasadda & dhaqaalaha {Economics and Politic},  fadhigiisuna yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa muujiyey inuu la wadaagayo shacabka Soomaaliyeed dareenka & welwelka ay ka qabaan qabsoomida doorasho xalalaal ah oo dalka ka dhacday wixii ka dambeeya bisha Ogoosto ee sannadkan 2016 oo ah waqtiga loo asteeyey.

C/raxmaan oo ka mid ahaa koox aqoonyahanno ah oo ka qeybgaleyey barnaamij ku saabsan suurtagalnimada doorasho ka dhacday Soomaaliya oo lagu qabtay Kenya,  wuxuu hoosta ka xariiqay inuu kalsooni ku qabo in Soomaaliya ay doorasho aadi doonto dabayaaqada sannadkan, hasse ahaatee wuxuu muujiyey inay jirto isweydiiyo dhowr ah oo ku saabsan in shaqsiyaadka doorashadaasi ka soo baxaya ay noqodaan kuwa Soomaaliya godka ay ku dhacday ka soo saari kara.

jentelman-3C/raxmaan wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel iska dhigaan iskala qoqobida dhexdooda ah, ayna isu arkaan in ay tahay Qaran isku dan ah oo aan sina u kala maarmin.

“Walaac iyo welwel badan ayaa ka jira qaabka doorashadu u soconeyso AMA u dhici doonto waxaase la hubaa in doorashadu dhici doonto” Ayuu yiri C/raxmaan Gentelman, wuxuuna intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan Dowladda dhexe in shacabka u jiheyso doorasho xalaal ah.

C/raxmaan oo dhinaciisa ka jawaayey su’aal aheyd in ay u muuqato welwelka ay qabaan dadka qaarkii ee ah; in Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad degdeg ah & in ay u kacaan ummad gacmaha is haysata oo qabiil sanka ka qabsada, hadafkooduna la mid yahay midkii SYL, haddii aan dadkaasi la helin in magaca Soomaaliya uu baaba’ qarka u saaran yahay.

jentelman-1

“Soomaliya waxay soo martay marxalado aad u adag, marka waa waxaa loo baahan yahay in dalka si dhab ah oo daacadnimo ah loogu istaago, waxaana dhihi karaa iyadoo lagu jiro xaalad adag oo keentay in Soomaaliya ay namberka koowaad kaga jirto musuqmaasuqa in wax badan laga bedeli karo lana taagan yahay waqtigii isbedel ka la sameyn lahaa” Ayuu yiri C/raxmaan Gentelman, wuxuuna intaasi sii raaciyey in dal kasta oo adduunka ka tirsan uu soo maray dhibaato la mid ah ama ka sii darran tan Soomaaliya ay soo martay, hasse ahaatee waddan weliba waxaa u kacay dadkiisa, wuxuuna ugu baaqay dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay dalkooda ku badbaadin lahaayeen.

jentelman-4

C/raxmaan wuxuu sheegay Isniintii dorraad inuu la kulmay London Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayna ka wadahadleen sidii beesha caalamka ay u garab istaagi laheyd in Soomaaliya ay soo ceshato Dowladnimadeedii.

“Isniintii Ayaan Wasaarada Arrimaha Dibeda Ingiriiska kula kulmay Safiirada Ingiriiska Soomaaliya u fadhida, waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashoyinka Iyo nabadgelyadda” Ayuu yiri C/raxmaan Gentelman.

Qaranimo Online

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment