4905 Views

Wasiir Beyle oo kormeeray xaruntii Wasaaradda Lacagta oo dib loo dhisayo

Wasiir Beyle oo kormeeray xaruntii Wasaaradda Lacagta oo dib loo dhisayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cabdiraxman Ducaale Beyleh ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dhismaha Wasaaraddii Lagacta oo hada ay dib u dhis ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dhismahan oo hadda gabo gabo ah ayaa waxa uu faa’iido badan u yeelan doonaa shaqada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo halkaasi ugu adeegi doonta Bulshada Soomaaliyeed, dib u dhiska xaruntana waxaa Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Sweden.

Wasiir Bayle ayaa warbixin ka dhageystay Engineerada ku howlan shaqada dhismaha, isagoona ka dalbaday sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku soo gaba gabeeyaan howsha dhismaha si Wasaaradda ay u baahiso howlaha Bulshada loo qabanayo.

wasiir-beyle-1 wasiir-beyle-2 wasiir-beyle-3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment