288 Views

Wasiirka horumarinta u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo sheegay Ruushka oo aan laga rabin Galbedka Afrika

Wasiirka horumarinta u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell  oo sheegay Ruushka oo aan laga rabin Galbedka Afrika
____________________________________________________________________________

isniin: December 19, 2022

Joogitaanka Ruushka ee Galbeedka Afrika ayaa sida lagu sifeeyey aan aheyn mid wax dhisaya ama wax caawinaya dalka Ingiriiskana waxay ka walaacsan yihiin calooshood u shaqeysteyaal Ruush ah oo gobolka ku xooggan, sda uu wasiir u sheegay BBCda.

Wasiirka horumarinta u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo booqanaya gobolka ayaa sheegay in dalkiisu in ku adkeysanayo gacan siinta dalalka Afrikada Galbeed kuwooda xeebta ku yaalla oo ay ku badan yihiin kala bar ahaan maliishiyaad ka yimid Saaxil iyo sidoo kale sugidda ammaanka guud.

Waxaa uu muujiyey walaac ahaa mid aad u adag in laga hadlo oo la xiriira ammaanka lala yeelanayo dowladda Burkina Faso.

Mr Mitchell ayaa booqanayayey saldig militari oo ku yaalla woqooyiga Ghana si uu u fiiririyo awoodda dalkaas u leeyahay inn uu iska saaro kooxha Jihadisteyaasha ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay ka dib markii Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo uu sheegay in clooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka tirsan kooxda Wagner group ay ka howgalayaan meel u dhow xuduuda woqooyi ee dalkiisu la leeyahay Burkina Faso

Joogitaanka kooxda Wagner ee calooshood u shaqeysteyaasha ah ayuu ku tilmaamay midlaga yaqqyaqsado mar uu la kulamay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee MareykankaAntony Blinken toddobaadkan.

Wuxuu ku eedeeyey kooxda Militariga ee ka talisa Burkina Faso in ay soo kireysteen kooxda Wagner ee ah calooshoodu shaqeysteyaal Ruush ah in ay gacan ka siiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ayna gacnta ka galiyeen shaqo aysan mahadin doonin .

Toddobaadyadii la soo dhaafay boqolaal dad ah kana cararaya weerarada miliishiyooyinka ku sugan Burkina Faso kuna sii jeeeda Ghana.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post