222 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhawayd shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhawayd   shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea.
____________________________________________________________________________

isniin: December 19, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Mareykanka ayaa shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo.

“Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.

Askartaan waxaa la xaqiijiyey in tababarkii rasmiga ahaa uu u dhamaaday sanadkii 2020-kii, balse mudo laba sano ah sababta ay uga maqan yihiin dalka ma jirto cid si rasmi ah ugu cadeysay bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post