942 Views

Geriga kali ah ee laga helo dhulka soomaalida Kenya oo qalab casri ah lagu xiray

Geriga kali ah ee laga helo dhulka soomaalida Kenya oo qalab casri ah lagu xiray
____________________________________________________________________________

Geriga kali ah ee inta la ogyahay dunida laga helo duuleedka magaalada Gaarisa ayaa lagu xiray qalab casri ah oo la socda dhaqdhaqaaqiisa, sida ay sheegeen kooxaha ka shaqeeyo ilaalinta duurjoogta.

Geriga labka ah ee lagu xiray qalabkan ayaa kamid ahaa geri saddex ah oo lagu arkay halkaas, labo kamid ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan koox ugaarsatada ay ku dileen halkaas.

Raqdooda ayaa markii dambe laga helay tuulo ku taal degmada Masalaani, sida uu xilliggaas BBC-da u sheegay maamulaha seeraha Ishaaqbini.

Qalabkan ayaa lagu xiray geesaha geriga, wuxuuna saacad kasta soo gudbin doonaa macluumaadka la xiriira halka uu daaqayo.

Sidoo kale, qalabkan wuxuu la soconayaa dhaqdhaqaaqiisa si looga ilaaliyo dadka ugaarsado duur joogta.

Seeraha Ishaaqbini oo uu ku nool yahay gerigan ayaa ka codsaday waaxda duur joogta Kenya in geriga lagu xiro qalabka si loo ilaaliyo badqabkiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post