2544 Views

Saraakiisha Ciidamada oo Jawaari ku eedeeyay dhacdadii Golaha shacabka ka dhacday

Saraakiisha Ciidamada oo Jawaari ku eedeeyay dhacdadii Golaha shacabka ka dhacday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 4, 2018 – Saraakiisha ciidamada , Booliska iyo meletariga oo saxaafadda la hadlay ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad ay ka dambeeyeen afduub ay sheegeen in golaha shacabka lagu heystay.

C/Welli Jamac Xuseen Gorod taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono ciidamada ay sheegeen maanta inay la wareegeen xarunta baarlamaanka.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada ku sugnaa xarunta baarlamaanka ay sii daayeen ciidamo watay hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana lala xisaabtami doono ciidamadaasi.

Xildhibaanada kala aragti duwan ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay arintaan.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka uu leeyahay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cawad.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale cadeeyay in amaanka golaha shacabka lala wareegay maanta marka la filayay inuu dhaco kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment