1119 Views

Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo galay maalintii 4-aad.

Shirka golaha wadatashiga Qaranka oo galay maalintii 4-aad.
____________________________________________________________________________

khamiis: January 6, 2022

 Waxaa maalintii afaraad galay shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho oo looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka & Amniga Dalka si loo meel-dhigo qorshaha geedi-socodka Soomaaliya.

Madaxda golaha wadatashiga Qaranka ayaa seddexdii maalin ee la soo dhaafay waxaa ay Warbixino ka dhageysteen Midowga Musharrixiinta, xubnaha Beesha Caalamka, Ururada Bulshada rayidka iyo xubno ka socday Haweenka.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ay shalay aad uga doodeen Arrimaha Amniga oo uu Ra’iisul Wasaaruhu uu codsaday in lagu wareejiyo, waxaana la sheegay in arrintaasi ay kula aragti duwanaadeen Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Xogta ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in hadii aan lagu wareejinin amniga dalka aan la qaban karin doorashooyinka.

Waxaa lagu wadaa in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay maanta sii wadaan doodooda ku aadan arrimaha amniga iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee loo qaban karo doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda golaha wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan la filayo in ay warmurtiyeed ka soo saaraan shirkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post