1458 Views

Amaanka Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyey

Amaanka Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyey
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa maaankeeda aad loo adkeeyay iyada oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ee Federaalka iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed aya alagu arkayaa gudaha Magaalada iyo Koontaroollada laga soo galo,waxaana ay baaritaan ku sameynayaan dadka iyo Gaadiidka.

Xarunta ay berri ka dhaceyso doorashada waxaa sidoo kale la geeyay ciidamo ka shaqeeya amaanka iyo sugidda habka doorashada.

Maalmihii la soo dhaafay Baydhaba waxaa ka taagnaa rabshado ay ku dhinteen dad ku dhow 15 qof kuwaas oo ka dhashay xariggii Khamiistii la soo dhaafay dowladda SOomaaliya u geystay Mukhtaar Robow Cali oo Mloo soo wareejiyay Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment