975 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqashadii Afraad ku tagay Dooxa

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqashadii Afraad ku tagay Dooxa
____________________________________________________________________________

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalalka Yurub ayaa hadda gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar.

 

Waxaa lagu waddaa in uu kulamo la yeesho  madaxda dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya, waxaana taageeradeeda ay soo shaacbaxday Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

 

kheyre ayaa tan iyo markii uu noqday Ra’iisul Wasaare tagay dalka Qatar May 13, 2017  Dec 13, 2018  iyo June 1, 2019.

 

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka wadda Mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Wadooyin, waxaana sidoo kale ay ballanqaaday Dhismaha Dekedda Magaalo Xeebeedka Galmudug ee Hobyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment