1584 Views

Macalimow” Wariyeyaasha Soomaaliyeed halis ayay ku sugan yihiin”

Macalimow” Wariyeyaasha Soomaaliyeed halis ayay ku sugan yihiin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 26, 2018 Xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka suxufiyiinta qaranku uu aad uga walaacsan yahay sida xukuumaddu ula dhaqanto saxaafadda iyo shaqaalaheedii, waxa  uu kahadlay xarigga suxufi  lagu magacaabo Nuur Ismaciil Sheekh oo uu sheegay in loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe iyada oo aan wax maxkamad ah la keenin, sidaas oo kalana loo diiday in ay qaraabadiisu arkaan, waxa uu sheegay in qoraaga iyo suxufiyiintaba loola dhaqmayo sida in ay gacan ku dhiiglayaal yihiin.

Macalimuu ayaa yiri: “Hab-dhaqanka xukuumadda hadda jirta ee uu raisalawasaaraha ka yahay raisalwasaare mudane Xasan Cali Kheyre, waxa aan dhihi karnaa  waa muddo sanado badan waa xukuumaddii ugu qallafsanayd ee soo marta Saxaafadda Soomaaliyeed, waxa ay ula dhaqmaan saxaafadda hab adag, ma dabagalaan kuwa saxaafadda dhibaateeya”

Xukuumadda ayuu u jeeday eedo waaweyn o xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin:-

In ay dhexgashay ururada saxaafadda oo ay kalaqaybisy
In ay saxaafadda u qaybisay kuwo ay cabburisay iyo kuwa ay laaluushtay, taas oo uu kusheegay in ay tahay mid gaar u ah xukuumadda Raisalwasaare Kheyre
Macalimuu waxa uu baaq u diray Baarlamanaka si gaar ah guddiga saxaafadda ee Baarlamaanka isaga oo sheegay in ay soo gaaraan eedo badan oo muujinaya hanjabaad ay geysanayaan wasiiro iyo shaqaale katirsan xukuumadda.

Waxa uu sheegay in saxaafaddu ay kujirto xaalad halis ah oo ay mas’uul ka tahay xukuumaddu.

Magaalada Muqdisho waxa shalay kabillowday kulan socon doona muddo 3 maalin ah oo ay wada qabanqaabiyeen wasaaradaha Dastuurka iyo haweenka, kulankaas oo ay joogeen labada wasiir ee wasaaradahaaas mudane Cabdi Xoosh Jibriil iyo marwo Deeqa Yaasiin ayaa waxa ka hadlay Cumar Faaruuq Cismaan oo maxkamadi ka xukuntay in uusan ahayn sheeganna Karin xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka balse kulankaas ayuu ka hadlay isaga oo ku hadlayey magaca xog-hayaha suxufiyiinta qaranka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment