972 Views

QM oo sheegtay in gargaarka Tigray uu ku egyahay jimcaha soo socda gargaar kalana loo baahan yahay

QM oo sheegtay in gargaarka Tigray uu ku egyahay jimcaha soo socda gargaar kalana loo baahan yahay
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in wixii loo gaaro Jimcaha soo socda, waxa uuna ku baaqay in gargaar degdeg ah loo ogolaado in la gaarsiiyo gobolkaasi.

David Beasley, ayaa sheegay in 170 kolonyo oo sida sahay gargaar lagu xayiray gobolka ay deriska yihiin ee Canfarta, oo maalmihii la soo dhaafay dagallo ka socdeen.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Waxaa muqata in weli aanan la tixgelinin baaqyada caalamiga, ee ah in wadahadal iyo xaban joojin lagu soo af-jaro coladda gobolka Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post