1941 Views

Soomaaliya Iyo Qatar Oo Heshiis Kala Saxiixday

Soomaaliya Iyo Qatar Oo Heshiis Kala Saxiixday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 25, 2018–Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen saddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.

 

10 12 14

444

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment