981 Views

5 askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka oo ku dhintay labada qarax garoonka diyaaradaha Kabul

5  askari oo ka tirsan  Marines-ka Mareykanka oo  ku dhintay labada qarax  garoonka diyaaradaha  Kabul
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

Ku dhawaad 5  askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Wararka ayaa sheegaya in saddex askari oo kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan.

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey dhimashada dhowr askari, hase yeeshee ma uusan bixin tiro rasmi ah.

Sidoo kale Guud ahaan 15 qof ayaa ku geeriyootay, 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post