744 Views

Shirkadda Apple oo qeybta Shiinaha ka joojisay App-ka caanka an (Majeed) ee Qur’aanka laga barto

Shirkadda Apple oo qeybta  Shiinaha ka joojisay App-ka caanka an (Majeed) ee Qur’aanka laga barto
____________________________________________________________________________

Sabti: : October 16, 2021

Shirkadda Apple ayaa qaybta Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ka joojisay App-ka caanka an (Majeed) ee Qur’aanka laga barto kaddib markii Dowladda ay ka codsatay sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirkaddaan.

Shirkadda ayaa sheegtay in Dowladda Shiinaha codsi ka dhan ah App-kaas usoo gudbisay iyadana ay tixgelisay, waxaana adeeggaan ku xiran Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool Dalkaas sida lagu ogaaday xog baaris lagu sameeyay.

Xukuumadda Shiinaha Kama aanay hadlin warka kasoo baxay Shirkadda Apple, saraakiil katirsan Beijing oo ka gaabsaday adeegsiga magacyadooda & derajooda ayaa shaaciyay in go’aankaan uu yahay mid dhanka Dowladda kasoo baxay.

Shirkadda Apple oo ka cabsi qabta in ay dhumiso rukun badan oo Muslimiin ah oo ka carooda tallaabadaan ayaa sheegtay in ay isku dayeeso in Beijing ay kala hadasho sidii xayiraaddaan ay u qaadi lahayd iyada oo ka dhex eegeysa danaheeda Ganacsi ee gaarka ah.

“Waxa aan wadnaa isku day ah in aan la xiriirno Maamulka Shabakadda Internet-ka ee Shiinaha & Hay’adaha kale ee Dalkaas ay khuseyso arrintaan si loo raadiyo xal ka duwan go’aanka joojinta” ayaa lagu yiri Bayaanka ay soosaartay Shirkadda Apple.

Shiinaha ayaa kordhiyay cadaadista xooggan uu ku hayo Muslimiinta, Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa horay Beijing ku eedeeyay in ay dhibaateysay oo ciqaab adag mariso Muslimiinta Uyghur ee degen Gobolka Xinjiang.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post