1035 Views

Ra’iisal wasaarihii hore kheyre oo ka hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho

Ra’iisal wasaarihii hore kheyre oo ka hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho
____________________________________________________________________________

April 25, 2021

 

 

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomalaiya Xasan Cali Kheyre ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay “in markii labaad hoygiisa lagu weeraro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday ay weerar toos ah ku qaadeen hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.”

Kheyre waxa uu sheegay in ay nasiib darro aad u weyn tahay in iyada oo bil Ramadaan lagu jiro, ay magaalada Muqdisho dhexdeeda ku dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

“Wax kasta oo maanta dhacaya, waa wixii aan horey uga digay inay dhici doonaan haddii la isku dayo muddo kororsi aan sharci aheyn”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

“Waxaana masuuliyada wax walba oo dhacay, dhacaya ama dhici doono qaadaya madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday ee raba inuu xukunka xoog iyo sharci daro ku fadhiyo.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post