759 Views

Diyaarad ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho!

Diyaarad ku dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho!
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 19 2020—Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa ku dhacday Diyaarad nuuca Xamuulka ah oo nuuceedu yahay 5Y-MHT, waxaana ay dooneysay in ay caga dhigato Garoonka sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Waxaa gurmad degdeg ah siiyay howlwadeenada, si aysan u sababin khasaare kale sida dab ka kaco, maadaama qaybta hore diyaaradda ay ku dhufsatay Darbiga Garoonka Aadan Cadde oo ay suuragal tahay in uu dab ka kaco, khasaaruhuna intaas uu kasii bato.

Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dhex arki karaa dhaawac gaaray diyaaradda, waxaana jabay qaybta hore, kadib markii ay ku dhufsatay diyaaradda gidaarka (Xeen-daabka) Wareegga Garoonka.

Waxaa laga soo saaray Duulliyaha iyo caawiyihiisa sida mustaqbal ay ka xaqiijisay ilo xog ogaal ah, waxaana u suuragashay in laga soo saaro albaabka qaybta dadka ay ka raacaan diyaaraddaan.

Nuuca Diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa qaada dad kooban iyo Xamuul aan tankiisu badneen, wararka qaar ayaa sheegaya in ay u adeegeysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay agab u qaadeysay.

Sababta shilka ayaa loo badinayaa cilad dhanka Diyaaradda ah, balse waxaa goobta tagay guddi ka socda maamulka Garoonka Aadan Cadde si ay u qiimeeyaan waxyeelada gaartay una ogaadaan ciladda.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post