684 Views

Itoobiya oo ka hadashay dhaqdhaqaaqyada Masar ka bilowday Somaliland

Itoobiya oo ka hadashay dhaqdhaqaaqyada Masar ka bilowday Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula oo u warramay Warbaahinta Gudaha ee Itoobiya ayaa ugu horrayn la waydiiyey sida ay Masar dhaqdhaqaaqyada uga bilowday Geeska Afrika.

Waxaa uu sheegay in Masar ay raadinayso Jid ay Cadaadis ku saari karto Itoobiya, si uu u joojiyo buuxinta Biyo-xireenka Abaay oo ay aamisan tahay inuu yaraynayo qul-qulka Biyaha Webiga Niil oo 90% Dadka reer Masar ku nool yihiin.

“Arrintani arrin cusub maaha, 400 sano ee aynu ka soo gudubnay Masaaridu waa istaraatiijiyad ay ku dhaqmi jirtay, dagaalo ay si dadban noola gashay, taasna guul-darro ayay kala kulantay”ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Waxaa intaasi kusii daray” “Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey Wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, Waayo? Somaliland mowqifkeeda way caddaysay.”

Waxaa uu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Masar uu yahay Mid xooggan oo ku saleysan ganacsiga labadda dhinac.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post