846 Views

Shiinaha: ” USA Washington uma qalanto in ay dal kale u jeediso casharro dimuqraaddiyadeed

Shiinaha: ” USA Washington uma qalanto in ay dal kale u jeediso casharro dimuqraaddiyadeed
____________________________________________________________________________

Sabti: December 11, 2021

Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu dimuqraadiyadda u isticmaalo sidii ‘hubka wax gumaada’ oo kale si uu ugu daneeyo qiyamkiisa ku aaddan dalalka kale.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda eeBeijing ayaa lagu sheegay in dimuquraadiyadda Mareykanka ay ku jirto xaalad adag — Washingtonna aysan xilligan u qalmin in ay dadka u jeediso casharro ku saabsan dimuqraaddiyadda.

Madaxweyne Biden ayaa qabtay ‘shir-madaxeedka dimuqraadiyadda’ toddobaadkan kaas oo Shiinaha — oo ah waddan hal xisbi kataliyo oo aan lahayn doorashooyin qaran — aan lagu casuumin.

Beijing ayaa si cadho leh uga jawaabtay dhacdadii Maraykanka. Muddo dhowr toddobaad ah, saraakiisha Shiinuhu waxay xoogga saarayeen in ay boodhka ka afuufaan aqoonsiga hannaanka dimoqraadiyadeed ee Shiinaha

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post