1185 Views

Sawirro:-Duuliye Calooshiis U Shaqeyste U Dhashay Bortuqiiska Oo Lagu Qabtay Liibiya

Sawirro:-Duuliye Calooshiis U Shaqeyste U Dhashay Bortuqiiska Oo Lagu Qabtay Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Warbaahinta taabacsan Taliyaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ayaa soo bandhigtay Duuliye u dhashay dalka Portuqiiska, kaasi oo waday Diyaarad lagu soo riday deegaanka Waadi Al-hira oo dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

 

Duuliyaha ayaa la sheegay inuu waday Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Dowladda Liibiya ee ay QM aqoonsan tahay oo nooceedu ahaa Miraaj F1 oo lagu farsameeyey Faransiiska.

Duuliyaha oo wareysi lala yeeshay lagu baahiyey Baraha Bulshadda waxa uu magaciisa ku sheegay Jimmy Rees, oo 29-jir ah, kana soo jeeda dalka Portuqiiska.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment