822 Views

Jeneral Mascuud oo Wacad ku maray in shabaab uu ka saarayo Galgaduud iyo Mudug.

Jeneral Mascuud oo Wacad ku maray in shabaab uu ka saarayo Galgaduud iyo Mudug.
____________________________________________________________________________

.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Saaka Howlgal Qorshaysan ka bilaabay Duleedka Garoonka Diyaaradaha Magaalada  Dhusamareb  ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar lagu arko xubno ka irsan Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka tirsan qeybta 21aad ayaa iyaga oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaa ay howlgalka ka wadaan duleedka Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo sida la sheegay howlgalka ku tegay degaano dhowr ah oo dhinaca Bari kaga began Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegene inay sii wadi doonana ila aiyo inta laga xaqiijinayo Amniga, isla markaana Al-Shabaab looga saarayo degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana maalmo ka hor ay sheegeen in uu si dirqi ah kaga badbaaday Madaxweynaha Galmudug oo ay shegen in diyaarad uu saarnaa ay duqeyn la beegsadeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post