1779 Views

SAWIRO:-Ciidamada xoogga dalka oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

SAWIRO:-Ciidamada xoogga dalka oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay  howlgal Miino baaris ah ka fuliyeen wadada isku xirta Degmada Awdheegle iyo  deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Miina barista ayaa Warbaahinta Dowladda waxaa ay u sheegeen in ay howlgalkaas kusoo saareen Miinooyin dhowr ah oo ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab geliyeen wadadaas.

Saraakiishu ma shaacin dad lagu soo qabqabtay howlgalkaas,hayeeshee waxaa ay soo bandhigeen Miinooyin dhowr ah oo ay sheegeen inay kasoo saareen wadada isku xirta Degmada Awdheegle iyo  deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose.

Si kastaba deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment