411 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay Shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta Oo Ka Dhacay New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Oo Ka Qeybgalay Shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta Oo Ka Dhacay New York
____________________________________________________________________________

 Talaado: SEPTEMBER 19, 2022

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa ka qeyb galay shir wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dhismaha safaaradda Libya ee magaalada New York, isla markaana ay gudoomineysey guddoomiyaha xilligan ee ururka Jaamacadda Carabta haweeneyda lagu magacaabo Najla Mangoush.

Shirkaan ayaa lagaga hadlay arrimaha sida gaarka ah u khuseeya waddamada Carabta iyo sidii si wadajir iyo walaalnimo ah la isaga kaashan lahaa.

Shirkaan oo jawi wanaagsan kusoo dhammaaday ayaa Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya waxaa uu si gaar ah ula kulmay Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta Najla Mangoush, ayagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Liibiya.

Wasiirka iyo guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Carabta ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa waxaa ay isku afgarteen in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka Liibiya iyo sidoo kale xaaladaha shaqo ee safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Dalka Liibiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post