1068 Views

Booliska Kenya oo toogtay Aabbe iyo labadiisa wiil.

Booliska Kenya oo toogtay Aabbe iyo labadiisa wiil.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Ciidamada Booliska kenya ayaa toogtay Aabe looga shakiyey Shabaabnimo,Waxaana lala toogtay Labadiisa caruur ah oo boolisku ay sheegeen in uu gabaad ka dhiganayay.

Ninka la toogtay oo lagu Magacaabo Mohamed Mapenzi,waxaa lagu tagay gurigiisa oo ku yaal Xaafada Kibundani ee Deegaanka Kwale.

Mapenzi ayaa lasoo wariyey in Uu Bam Gacmeed ku tuuray Ciidamada Booliska Inta uu Socday Howlgalka,Habeenkii Sabtida.

“Askartu waxay isku diyaarinayeen in ay jabiyaan guriga Eedeesanaha,si deg deg ah ayuu u furay Albaabka waxaana uu soo tuuray Bam,dhaawac Fudud ayaana Midkood kasoo gaaray”.ayuu wargeyska daily Nation kasoo Xigtay Taliska Booliska.

Ciidamada ayaa kadib furay Rasaasta ay Ku dileen eedesanaha iyo Caruurtiiisa.

Xaaska eedeesanaha iyo sedex caruur oo kale ayaa ku dhaawacmay inta uu socday howlgalkaas waxaana loo qaaday Isbtitaal.

Ilo ayaa u sheegay wargeyska daily Nation in hoyga Mapenzi uu soo farmuuqay eedeesane kale oo ku jira gacabta Ciidanka Booliska.

Eedesanaha Ku jira Gacanta Booliska ee sameeyey farmuuqa ayaa lagu magacaabaa Saidi Chitswa alias Ninja kaas oo Alshabaab u qaabilsan dhinaca Qorista Dhalinyarada,Booliska Kenya ayaana sheegay in ninkani uu qorsheenaye weerar uu ka qaado Xarun Boolis.

Guriga Mohamed Mapenzi ee la toogtay ayaa laga soo saaray Bambaanooyin iyo Dress Ciidan.

Howgalkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay labo qof oo kale oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab sida uu sheegay Madaxa dambi baarista Kenya Washington Njiru.

Weerarka lagu dilay Maxamed Waxaa uu imaanaya iyadoo labo bil ka hor isla deegaanka Kwale lagu dilay Labo Nin kale oo ka tirsaneyd shabakadiisa.

Suleiman Ali Kodza iyo Kodza Pemba ayaa lagu dilay kwale ,Suleiman ayaa la dilay Maalin kadib markii uu ka baxsaday gacanta Booliska Halka Kodza lagu dilay Goob Xeebta Mombasa ka ag dhaw.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen In Guriga Kodza oo saxiib la ahaa Maxamed Mapenzi laga helay 9 Rasaas kala duwan iyo Tooreyda Ciidanka.

Ninkan ayaa isna lagu eedeenayey in sep 2017-kii uu dilay labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya.

Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa kordhiyey howlgalada ay ku baacsanayaan Al shabaab kuwaas oo bilowga sanadkii howgalo badan ka fuliyey gudaha dalkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment