1689 Views

Muuse Biixi “ Deeqaha dibadeed ee Nalagu caawiyo waxa ay u badan yihiin Gar-gaar Xukuumadaha Xamar ayaa lugta ku dhagan oo carqalad ku ah.

Muuse Biixi  “ Deeqaha dibadeed ee Nalagu  caawiyo waxa ay u badan yihiin Gar-gaar Xukuumadaha Xamar ayaa  lugta ku dhagan oo carqalad ku ah.
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Dawladda Faderaalka Soomaaliya lugta hayso in Deeqaha Beesha Caalamka ka yimaadda oo Mashaariic waaweyn looga fuli lahaa gudaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in waxa Somaliland ka hesho Beesha Caalamku uu yahay gargaar deg-deg ah, haddana deeqahaasi in laga Maalgeliyo Mashaariic Mustaqbalka laga faa’idaysan karo ay carqalad ku tahay Dawladda Soomaaliya

“Deeqaha dibadeed ee la innagu caawiyo waxa ay u badan yihiin Gar-gaarka Deg-degga ah iyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah. Marxaladda siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro,ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sdoo kale Madaxweyne Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaali aysan kala maarmi karin, laakiin ficillada madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay dadka sii kala fogaynayso sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post