894 Views

Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla galbeedka dalka India oo dilay 11 bukaan ah oo coronavirus u jiifay

Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla galbeedka dalka India oo  dilay  11 bukaan ah oo coronavirus u jiifay
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla galbeedka dalka India Sabtida maanta ah ayaa dilay ugu yaraan 11 bukaan ah oo coronavirus u jiifay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dabkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ka kaca qeybo ka mid ah xarumaha lagu daweeyo cudurrada faafa ee ku yaalla dalka India.

Ilaa labaatan bukaan ah ayaa jiifay qaybta daryeelka degdega ah ee isbitaalka degmada Ahmadnagar, ee gobolka Maharashtra, markii uu dabku kacay, sida ay saraakiishu sheegeen. Inta badan dadka dhintay ayaa da’doodu ka weyn tahay 60 sano.

Madaxa gobolka Maharashtra Udhav Thackeray ayaa amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dabka iyo xaaladaha badbaadada ee isbitaalka oo 250 kilometer u jira caasimadda gobolka ee Mumbai.

Ugu yaraan 16 bukaan ah oo oo Covid-19 qaba iyo laba kalkaaliye caafimaad ayaa ku dhintay dab ka kacay isbitaal ku yaal gobolka Gujarat bishii May. Baaritaan ay bilaysku sameeyeen ayaa dhacdadan u sababeeyay nidaamka isbitaalka ee ka-diga dabka oo aan la dayactirin.

Bishii April, ugu yaraan 13 bukaan ah oo qabay Covid-19 ayaa ku geeriyooday xarun caafimaad oo Mumbai ku taalla. Dabka ayaa yimid maalmo uun ka dib markii isbitaal kale oo isla magaalada ku yaal ay dab ugu geeriyoodeen 22 ruux.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post