144 Views

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan oo sii daysay nin kufsaday gabar kadib markii lagu heshiiyey inuu guursado

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan  oo sii daysay nin kufsaday gabar kadib markii lagu heshiiyey inuu guursado
____________________________________________________________________________

Arbaco: DECEMBER 28, 2022

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa sii daysay nin kufsaday haweeney kadib markii uu guursaday dhibbannihiisa, taasi oo ka dhalatay heshiis ay ka shaqeeyeen odayaal dhaqameedyo, waxaa sidaas maanta sheegay qareenkiisa.

Go’aankan ayaa ka careysiiyey kooxaha u dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sheegay inuu sharciyeynayo rabshadaha galmo ee ka dhanka ah haweenka Pakistan oo ah dal inta badan kufsiga aan la shaacin.

Dawlat Khan, oo 25 jir ah, ayaa bishii May waxaa xabsi daa’in ku xukuntay maxkamad hoosaad ku taalla degmada Buner ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa kadib markii uu kufsaday haweeney maqalka la’.

Waxaa xabsiga laga sii daayey Isniintii kadib markii Maxkamadda Sare ee Peshawar ay aqbashay heshiis ka baxsan maxkamadda oo ay ogolaadaan qoyska haweeneyda la kufsaday.

“Kufsadaha iyo dhibbanaha waxay kasoo wada jeedaan isku qoys,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amjad Ali, oo ah qareenkiisa.

“Labada qoys waa ay heshiiyeen kadib markii la isku raacay xal ay gacan ka gaysteen golaha dhaqanka,” ayuu ku daray.

Khan ayaa waxaa la xiray kadib markii haweeneyda uu kufsaday ay canug dhashay horraantii sanadkan, islamarkaana tijaabo laga qaaday ay caddeysay inuu yahay aabaha.

Kufsiyada ayey inta badan adag tahay in la isku maxkamadeeyo dalka Pakistan, halkaasi oo haweenka caadiyan loola dhaqmo inay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.

Sida ay sheegtay Asma Jahangir Legal Aid Cell — oo ah koox caawimaad dhanka sharciga ah siisa haweenka baylahan — kaliya saddex boqolkiiba ayaa dambiyada lagu helaa marka kiisaska kufsiga la geeyo maxkamad.

Waxaa sidoo kale aad u yar kiisaska kufisga ah ee lasoo weriyo sababo la xiriira ceebsashada, halka heshiisyada ka baxsan maxkamadda ay sidoo kale ka dhigaan heerka dambi ku helis mid aad u hooseeya.

“Tani waxay ka dhigan tahay in maxkamadda ay ansixisay islamarkaana fududeysay kufsi,” ayey tiri Imaan Zainab Mazari-Hazir, oo ah qareen iyo u dhaqaaqe xuquuqda aadanaha oo ka hadleysay go’aanka maxkamadda Peshawar.

“Waxay kasoo horjeeddaa mabaadi’ida aas-aasiga ah ee cadaadladda iyo sharciga dalka oo aan aqoonsaneyn heshiiska noocan ah,” ayey u sheegtay AFP.

Golaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha Pakistan ayaa sheegay “inuu aad uga naxay” xukunka.

“Kufsigu waa gaf aan laga heshiin karin oo aan lagu xalin karin guur ‘lagu heshiiyey’,” ayuu golaha kusoo qoray Twitter.

Baadiyaha Pakistan, gole dhaqameedyada xaafadeed oo loo yaqaan jirgas ayaa waxaa aasaasa odayaasha deegaanka kuwaas oo dhinaca mara hanaanka cadaaladda, inkasta oo go’aanadooda aysan laheyn wax qiime sharci ah.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post