744 Views

Golaha Wasiirada oo yeeshay kulankii ugu horreeyay

Golaha Wasiirada oo yeeshay kulankii ugu horreeyay
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL October 24|  2020
—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku booriyay wasiirada cusub in ay dardargaliyaan howlaha horyaalla.

Waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay heysato 90 maalmood oo loo baahan yahay in laga faaideysto.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isalwasaaraha Soomaaliya kaddib markii cod loo qaaday.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda,ma jirin cid diiday ama ka aamustay sidaas darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post