765 Views

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  oo  amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland
____________________________________________________________________________

Talaado:  June 22 2021

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post