966 Views

dowladda Kenya oo dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, qaab fogaan arag ah.

dowladda Kenya oo  dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, qaab fogaan arag ah.
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Xilli 15-ka bisha Maarso ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale.

Inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay BBC-da u sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, ayna uga qeybgeli doonta qaab fogaan arag ah.

“Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu qof katirsan dowladda Kenya u sheegay BBC-da.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa 13-kii bishan gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Sida ku caddeyd qoraal ay maxkamdda u dirtay dowlada Soomaaliya xilligaas, dhageysiga dacwadda ayaa la billaabi doonaa 15-ka bisha March sida markii horeba qorshuhu ahaa.

“Ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay doodaha labada dhinac ay soo gudbiyeen ayaa waxay go’aansatay in jadwalka dhageysiga u sidiisii ahaado, wuxuuna billaabanayaa 15-ka march 2021”, ayaa lagu yiri qoraal ay maxkamaddu u dirtay dowladda Soomaaliya oo dacwaddan maxkmadda gaysay 7 sano ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay maxkamadda.

Ra”iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga oo qaab fogaan-arag ah lagu qaban doono.

Maxay tahay sababta ay Kenya markii horaba u dalabatay dib u dhigga?

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Ujeedda arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Maxkamaddu waxa ay shegetay in sidoo kale tiro xaddidan lo oggoalan doono inay hoolka maxkamadda joogana inta u socdo dhageysiga.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post