1347 Views

Madaxweyne Waare oo beeniyey in uu fashil ku dhamaaday Shirkii Garoowe

Madaxweyne Waare oo beeniyey in uu fashil ku dhamaaday Shirkii Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 13, 2019 Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo weli ku sugan Magalada Garoowe ayaa beeniyey in uu fashil ku dhamaaday shirkii lagu kala tegay ee dhawaan Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay ku yeesheen Magalada Garoowe.

 

Waxa uu sheegay in shaqsiyan isagu uusan qabin in u fashilmay shirkii Madaxda Soomaalida ee Magalada Garoowe oo aan wax qodobo ah kasoo bixin,isla markaana madaxdii ka qeyb gashay ay ku kala tageen.

 

Waxa uu rajo wanaagsan la muujiyey in markale dib la isugu soo laaban doono,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay wax badan ka sugayaan,isla markaana wax walba wadahadal iyo heshiis lagu dhameyn doono.

 

Mudo 7 Cisho ah oo xiriir ah ayaa Magalada Garoowe waxaa ku shiray Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada,shirkaas oo lagu kala tegay,iyada oo aan wax natiijo ah aan kasoo bixin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment