2121 Views

Yaa maamula Villa Somalia?

Yaa maamula Villa Somalia?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2021—Madaxtooyada Soomaaliya  muddo 4 sano ah waxa uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay 4 agaasime iyo dhowr agaasime-xigeen, Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) iyo Cabdirisaaq Axmed Sheekh Maxamuud (Shoole)  ayaa March-2017 waxa ay noqdeen agaasimaha & kuxigeenka  madaxtooyada Soomaaliya.

3 bil kaddib 31-May-2017 ayaa MW Farmaajo waxa uu Fahad Yaasiin  u magacaabay xilka agaasimaha guud ee Villa Somalia waxaana xilka kuxigeenka loo magacaabay Aamina Siciid Cali, hayeeshee  16-Aug-2018 ayaa madaxweynuhu waxa uu Fahad  u magacaabay xilka Taliyaha hay’adda Sirdoonka, sidaas awgeed Aamina Siciid Cali oo ahayd kuxigeenkiisa ayaa loo dalacsiiyey in ay noqoto agaasimaha guud ee madaxtooyada iyada oo laba agaasime kuxigeen oo kalana loo magacaabay ay qabtaan xilalka agaasime kuxigeenka siyaasadda iyo agaasime ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda, labadaas xil waxa loo kala magacaabay Cabdirisaaq Caato iyo Cabdullaahi Tadoon.

Agaasimihii 4aad ee madaxtooyadu yeelato ayaa madaxweyne Farmaajo 15-March-2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kamid ah la taliyeyaasha faraha badan ee madaxweyne Farmaajo, Augusto-2020 kaddib laba todobaad markii xilka laga eryey ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Khayre waxa soo baxay War sheegaya in Nuur Diiriye Xirsi Fuursade uu doonayo in uu qabto xilka Ra’isalwasaaraha hayeeshee inkasta oo uu codsaday haddana madaxweynuhu kama hoos qaadin, sidaas daraadeed Fuursade isaga oo haya xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada ayuu u baxay safar dibadda ah kaddibna agaasimaha guud oo maqan ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu Sep-2020 xilka agaasime kuxigeenka madaxtooyada u magaacabay agaasimihii hore ee Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed, Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Cabdirisaaq Caato) oo hayey xilka kuxigeenka agaasimaha guudna waxa loo wareejiyey xafiiska Ra’isalwasaaraha.

November-2020 Cabdinuur Maxamed Axmed agaasime kuxigeenka madaxtooyada ahna kusimaha agaasimaha guud ee Villa Somalia  ayaa noqday xubin kamid ah guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka!, Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya inkasta oo uusan si rasmi ah uga tegin xilka agaasinka madaxtooyada haddana muddo 5 bil ah Villa Somalia malaha gaasime guud.

Waxqabadka iyo howl-maalmeedka Villa Soomaaliya ayaa yaraaday,  xal u helidda arrimha waaweyn ee siyaasadda ayaa madaxtooyadu u taag weysay, waxa hoos u sii dhacayey laga soo billaabo dabayaaqada sanadkii 2020 hadal-haynta howlaha madxatooyada oo si joogto iyo maalinle ah ugu jiray Warbaahinta taasna waxaa loo tirinayaa in ay sabab u tahay maamul iyo maareyn la’aanta dhinaca agaasinka kahaysata madaxtooyada Soomaaliya.

Haddaba Madaxtooyada Soomaaliya  4 agaasime kaddib ma laha agaasime, hayeeshee agaasime kuxigeenka Cabdinuur Maxamed Axmed oo xubin ka ah guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa haya shaqada agaasimaha guud.

ISHA:-MUSTAQBAL

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post