1377 Views

Maxkamada Rwanda oo 15 ruux ku heshay dambi ah inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish

Maxkamada Rwanda oo 15 ruux ku heshay dambi ah inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 23 Maarso, 2019 –Maxkamada Sare ee Rwanda ayaa ku xukuntay min 5 sano oo xarig ah 13 ruux halka labo ruux oo kalena ku xukuntay min toban sano oo xabsi, kadib markii lagu helay dambi ah inay xubno ka ahaayeen ururka Al-Shabaab iyo Daacish.

 

Maxkamada ku taal magaalada Koofurta ku taal ee Nyanza ayaa sidoo kale xabsiga ka sii daysa 25 ruux kadib markii lagu waayay cadeymo ah inay xubno ka ahaayeen ururada argagaxisada.

 

Booliska dalka ku yaal Bartamaha Afrika ayaa sanadkii 2016kii waxa uu xirxirey illaa afartan ruux maalmo kadib markii ay ciidamada dowlada dileen wadaad la oran jirey Muhammad Mugemangango, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku dhiirigelin jirey dhalinyarda inay ku iiraan ururada xagjirka ah.

 

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigey xiligaas buugaag,cajalado iyo fariimo la isku weydaarsanayay baraha bulshada sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

 

Xaakimka maxkamada Eugene Ndagijimana ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la xukumay Salim Fundi uu ka qeybgalay qorshe lagu doonayay in dhalinyaro dooneysa inay ku biiraan ururka Alshabaab ee ka dagaalada dalka Soomaaliya lagu qorayo.

 

Dadka la xukumay ayaa saddex kamid ah waxa ay ahaayeen dumar,waxaana labo ka mid ah laga soo qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Kigali iyagoo ku sii jeeday dalka Siiriya halka haweeneyda saddexaadna ay ka caawineysay dhinaca dhaqaalaha iyadoo ugu iibisay kun dollar tikityadii ay diyaarada ku raaci lahaayeen dumarkan.

 

Inta badan shacabka wadanka Rwanda ayaa ah Masiixiyiin iyadoo Muslimiinta ku noolna ay yihiin boqolkiiba 2.5.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment