534 Views

Xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan oo Madaxda Sare kala hadlay dadkii rayidka ee la laayay

Xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan oo Madaxda Sare kala hadlay dadkii rayidka ee la laayay
____________________________________________________________________________

Axad: SEPTEMBER 4, 2022

Xildhibaano ka tirsan laba gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda goboka Hiiraan ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ka dib, xildhibaaannada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dowladda in ay kala hadleen sidii deg deg looga jawaabi lahaa tillaabadii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku laayeen dadka rayid ah, isla markaasna ku gubeen Raashinka inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beledwayne iyo Maxaas.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed  oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka kana qeyb galay  kulankaasi ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in la isku afgartay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-shababaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Xaalad adag ayay wajahayaan dadka ku nool deegaano badan oo gobolka Hiiraan oo qeybo kamid ah ay maamulaan Al-shabaab, waxaana jirta dhaliil loo jeedinayo dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle oo ah in aysan wali hayn qorshe dadkaas lagu badbaadin karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post