1884 Views

SAWIRO: Saddex kun oo neef oo laga dhoofiyay Dekedda Kismaayo

SAWIRO: Saddex kun oo neef oo laga dhoofiyay Dekedda Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 03, 2019—Ku dhowaad saddex kun oo neef oo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo laga kala keenay deegaanada Jubbaland islamarkaana baaritaan caafimaad ku martay maxjarka magaalada xoolaha ee magaalada Kismaayo, waxaana lo’daan loo iibgaynayaa dalka Yemen.

 

Ganacstada magaalada Kismaayo oo kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal ugu jira suuqgeynta xoolaha nool ee Jubbaland, taasi oo muhiin u ah sare u kaca dhaqaalaha Jubbaland islamarkaana kor u qaadeysa ka faa’iidaysiga wax-soo saarka dalka oo ay xoolaha nool kamid yihiin.

 

Xoolaha Soomaaliya laga dhoofiyo ayaa Sanadyadii ugu dambeeyay waxaa soo wajahay dhibaatooyin badan ka dib markii ay diideen qaar ka mid ah dalalka Carabta oo inta badan loo suuq geyn jiray Xoolaha Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment