255 Views

Ha seexan adiga oo aan aqrin: Takio Osahera; Sababta Kacdoonkii horumarka farsamada gacanta ee Jabbaan!

Ha seexan adiga oo aan aqrin: Takio Osahera; Sababta Kacdoonkii horumarka farsamada gacanta ee Jabbaan!
____________________________________________________________________________

Takio Osahera; oo ah curiyaha farsamada gacanta ee Jabban yaraantiisii waxa uu isweydiin jiray Sirta Reer-galbeedku uga horumaray Bariga! Ilaa uu helay jaawaab fudud oo kooban taas oo ah: Sirta horumarka reer Galbeedku waa Farsamada gacanta iyo soosaaridda Matoorada (Machines), Matoorada dhaqaajiya, Baabuurta, Diyaaradaha, Tareenada Maraakiibta, Diyaaradaha iyo dhammaan Gaadiidka dhulka, Cirka iyo Badda ayaa reer galbeedku soosaaraan!  waxa uu yaqiinsaday in haddii uu barto farsamada gacanta iyo Sancada Matoorada uu gacanta ku dhigayo sirta horumarkaas.

Jabbaan ayuu ka safray isaga oo u socdaalay Jarmalka, waxa uu sii raacay Ergada Jabbaan ee Jarmalka, ujeedkiisu waxa uu ahaa in uu barto cilmiga Farsamada (Makaanikada) iyo Matoorada (Mechanics and Engines Science) waxa uu go’aansaday in uu cilmigaas ku sameeyo xitaa derajada PHD.

Ujeeddadiisu waxa ay ahayd in uu Culuumta Jarmalka u soo guuriyo dalkiisa Jabbaan islamarkaana Waddankiisa Jabbaan iyo dadkiisuba ay ku sameeyo horumar u gaar ah balse kaddib markii uu tegey Jarmalka islamarkaana billaabay Tacliinta farsamada gacanta waxa uu si kedis ah ku ogaaday in Hay’adaha Waxbarashada ee reer Galbeedku aysan Shisheeyaha u ogolayn wax ka badan barashada Aragtida ku qoran buugta.

Takio Osahera; waxa uu yiri: Markii aan tegey Jarmalka oo aan muddo joogo waxa aan xaqiiqsaday in Jarmalku aysan marna ii ogoleyn in aan barto wax aan ahayn Aragtida iyo doodaha ku qoran buugta! Anigana Safarkeyga oo dhan waxa uu ku saabsanaa barashada cilmiga Farsamada (Makaanikada) iyo Matoorada (Mechanics and Engines Science), waxa aan ku sii adkeystay xaqiijinta Hammigeygii ahaa helidda awoodda farsamada Matoorada iyo barashada sida loola falgeliyo Matooradaas iyo Farsamadaas, Aniga oo Wareersan wax aan yeelana garan la’ ayaan si hunguri gorgor kujiro waxa aan isha ula racaa Matoorada faraha badan kala caynka ah ee yaal qaybta farsamada gacanta ee Jaamacadda (Technical department) aniga oo u eg sida Wiil yar oo loo diiday in uu ka qaybgalo ciyaar qurxoon oo adag oo  ay saaxiibadiis ciyaarayaan.

Maalin ayaan maqlay in la qabanayo Carwo waaweyn oo lagu soo bandhigayo Matoorada Talyaanigu Farsameeyo, waxa aan soo arruursaday dhammaan wixii aan lacag iyo hanti lahaa, Carwadii ayaa kaqaybgalay kaddibna waxa aan ka iibsaday Matoor celis ah ama la soo isticmaalay (Used Motor)! Gurigeyga ayaan geystay waxa aan billaabay in aan furfuro oo aan bool-bool u kala dhigo, waxa aan is iri:- Haddii aad cad-cad u kala dhigto kaddibna isku celiso waxa ay ka dhigan tahay in aad heshay aqoonta muhiimka ah eek u saabsan la falgelidda Matoorada, sidaas ayaan ku socday! In Matoorada kala furfuro kaddibna isku celiyo, kadibna Cad walba gaarkiisa ayaan uga qaadayey Sawir dhammeystiran, Shaqadaasi waxa ay iga qaadaneysay Maalin dhammeystiran, hal mar ayaan wax cunayey Maalinkii oo dhan, hurdana ma ledin mana hurdeyn illaa aan shaqada sii wedi waayo, Matoorada ayaan kala daadiyaa waa isku celiyaa kaddiba waa kiciyaa, mar walba oo aan Matoor kala furo isku celiyo kaddibna kiciyo Wadnaha ayaa I istaagi karaa farxad awgeed!

Ninkii madaxda ka ahaa kooxda aan ka tirsanahay ayaan u sheegay in aan helay jidkii iyo awooddii farsamada Matoorada, kaddibna waxa uu I siiyey Matoor cilladeysan, waa ka howlgalay si guul iyo lama filaan ah ayaan u hagaajiyey Matooorkii, markii uu arkay ayuu yiri: “Hadda waa kalkaagii, waa in aad soo saarto Matoor dhammeystiran oo aad adigu ku farsameysay gacantaada! Ogow waa in aad qaybaha Matoorku ka kooban yahay adigu sameysato kaddiba isku xirto lana timaaddo Matoor aad adigu leedahay”

Si aan Matoorkaas u soosaaro waxa aan ku biiray Wershadaha farsamada birta sida Wershadda Farsamada birta ee Steel Melting Plant oo ay leedahay Suez Steel Company, Wershadaha soosaara Nuxaasta (Copper) iyo Aluminum -ka, qabashada shaqadaas waxaa aan ku diyaarinayaa Shahaada PHD-da sidaasna waxaa igula taliyey Macalimiinteydii Jarmalka ahaa, meeshii aan Buug qori lahaa waxa aan lebbistay Iskujoog buluug ah! Waxa aan isu beddelay Shaqaale!

Aniga oo aad u bar-yar ayaan dhinac istaagay madaxa shaqaalaha reer Galbeedka ee farsamada Macdanta, waxa aan u hoggaansanaa dhammaan Amaradiisa iyo taladiisa, Isna waxa uu u muuqday Boqor weyn, xitaa waxa aan u adeegi jiray xilliga cuntada aniga oo ka soo jeeda Qoyska faca-weyn ee la xushmeeyo marka la jooga Jabbaan ee Samurai, Qoyskaasi waxa uu kamid yahay reeraha ugu gobsan, ugu faca-weyn uguna Karaamada badan Reeraha Jabbaan, waa loo adeegaa balse qof kamid ah reerkaasi dhaqan ahaan ma noqdo adeege! Balse anigu waxa aan u adeegayey Jabbaan, marka Jabbaan loo adeegayana wax walba waa fududyihiin waana sahlan yihiin.

Waxbarashadii iyo tababarkii waxa aan dhammeeyey 8; sano muddadaas maalinkii waxa aan shaqeynayeey 10-15 Saac, marka shaqadu dhammaato kaddibna waxa aan qaadanayey Waajibka Waardiyaha (Guard duty) habeenkii oo dhan waxa aan Naqdiiminayey dhammaan xeerarka farsamada iyo hagayaasha soosaarista Matoorada.

 Takio Osahera; waxa uu sheekadiisa ku soo gebagebeeyey: Warkeygu waxa uu gaaray boqorkii Jabbaan Emperor Nakamikado, waxa uu dalbaday in uu I arko balse waxa aan isku qanciyey in aanan mudnayn in aan boqorka arko illaa aan dhiso Wershad dhammeystiran oo soosaarta Matoorada, dhismaha Wershaddaasi waxa ay iga qaadatay 9 sano, kaddib Sagaal snao oo ayaan hore u qaatay  10 Matoor waxa aan aan booqasho ugu tegey boqorkii, waxa aan ku iri: Matooradani waa Matoorro Jabbaan sooosaartay 100% waa u hijrooday si aan u soosaarno waana ku soo guuleystay! Nakamikado waaa dhoollacaddeeyey waxa uuna yiri: Kani waa Shanqartii ugu macaanayd ee aan maqlo nolosheyda, ma waxa aan maqlayaa codka Matoorro Jabbaan leeedahay 100%”?

Haa, sidaas ayaan ku hananay adduunka, waana sirta Awooodda iyo horumarka Reer galbeedka oo aan u soo rarnay Jabbaan, Awoodda Yurub ayaan u soo rarnay Jabbaan, Waxsoosaarka Jabbaanna waxa aan u rarnay reer Galbeedka

Asalka Qoraalku waxa uu ahaa English iyo Carabi

Waxaa Turjumay Qaranimo online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post