438 Views

Ku dhawaad 50 Ruux oo ku geeriyootay Roob ka da’ay Koonfur Afrika

Ku dhawaad 50 Ruux oo ku geeriyootay Roob ka da’ay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Inta la xaqiijiyay 45 Ruux ayaa ku dhimatay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Koonfur Afrika , waxaana laga cabsi qabaa in ay dhinteen dad badan oo aan lagu hayn raq iyo ruux .

Roobabka ayaa waxyeelo u gaystay dadka ku nool gobolka xeebta Kwa Zulu Natal , iyada oo guryo badan oo ku yaalla magaalada dekedda ee Durban ay dumeen.

Waxaa socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadka uu saameeyay Roobka, waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen  inay ka barakacaan Aaga uu ka da’ay Roobka.

Dowladda Kenya ayaan weli faah fahain rasmi ah ka bixin khasaaraha Guud ee Roobka uu sababay, balse Warbaahinta ayaa tabineysa in dhimashada dadka ay badan karto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post