1347 Views

Jabhad ka soo horjeeda Daalibaan oo ka aasaasantay Dooxada Panjshir

Jabhad ka soo horjeeda Daalibaan oo ka aasaasantay Dooxada Panjshir
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

 Wararka ka imanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in jabhad ka soo horjeeda Maamulka Daalibaan ay kaa aasaasantay dooxada Panjshir.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa xaqiijiyay in iska-caabbinta hubaysan ee Taalibaan, ay ku jiraan ciidamo si gaar ah u tababaran.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano faro badan ay ku wajahan yihiin gobolka waxaana ka mid ah ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Afqaanistaan ee SAS tababaray, kuwaasoo la rumeysan yahay inay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee ay milateriga Afgaanistaan .

“Taliban ma maamusho dhammaan dhulka Afgaanistaan,” ayuu Lavrov u sheegay wariyeyaasha shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moscow kaddib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Liibiya.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Ruushka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xoogagga iska-caabbinta ay hoggaaminayaan madaxweyne ku-xigeenkii xilka laga qaaday Amrullah Saleh iyo Ahmad Massuud, oo ah wiil uu dhalay dagaalyahan ka soo horjeeday Taliban.

Lavrov ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa wada hadal loo dhan yahay oo ay ku lug leeyihiin dhammaan dhinacayada siyaasada ee Afgaanistaan si loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Dooxada Panjshir oo waqooyi bari ka xigta Kabul ayaa ah goobtii ugu dambaysay oo aysan gaarin xoogaga daalibaan waxana dhulkaas uu caan ku yahay difaaca maadaama ay ku yaalaan buuro.

Ahmad Massuud, oo ah wiilka ugu caansan dagaalyahanada la dagaalanka Daalibaan ee Afghanistan, ayaa khamiistii sheegay inuu diyaar u yahay inuu raaco wadadii aabihiis, markii uu ciidamadiisa ku uruurinayey dooxada Panjshir waqooyi bari ee Kabul.

Massuud waa wiil uu dhalay Axmed Shah Massuud, oo caan ku ahaa la-dagaallanka Soofiyeeti-ka iyo Taalibaan oo la dilay 2001-dii, laba maalmood ka hor weeraradii 11-kii September lagu qaaday Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post