1029 Views

Wasiir Khadiijo oo shaacisey arrin uga baaqatay Cabsida COVID-19

Wasiir Khadiijo oo shaacisey arrin uga baaqatay Cabsida COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –MaMaanta oo kale sannad walba waxaa Magaalada Muqdisho lagu qaban jirey munaasabadaha Maalinta Ciyaaraha Dunnida iyo Nabadda Adduunka iyo Maalinta Ciyaartooyga Soomaaliyeed,loona dabaal-degi jiray orodka gaaban ee Muqdisho Mini Marathon.hayeeshee sanadkaan ay baaqdeen.

 

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed diiriye ayaa sheegtay in Munaasabadihii maanta oo kale qorsheysnaa ay u baaqdeen cabsida laga qabo xanuunka COVID-19.

 

 

 

Waxaa ay sheegtay in Ciyaaraha Soomaaliya ay gaareen horumar ballaaran,isla markaana xilli habeen ah,30 sano kadib lagu Ciyaaraha Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir iyo guulo ay sheegtey in Ciyaartoyda Soomaaliyeed kasoo hooyeen dala dibadiisa.

 

Ciyaartooyda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayay ugu hambalyeysay munaasabadaha Maalinta Ciyaaraha Dunnida iyo Nabadda Adduunka iyo Maalinta Ciyaartooyga Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa horey waxaa ay u joojisey Ciyaaraha ka socdey guud ahaan dalka Soomaaliya sababo la xiriira Cudurka Coronavirus,iyada oo la fasaxey Ajaanibta u Ciyaara Kooxaha Heerka koobaad ee dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment