1452 Views

Sawirro:-Kheyre Oo Kulan La Qaatay Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Ku Wada Jira Tubta Amniga Iyo Caddaaladda

Sawirro:-Kheyre Oo Kulan La Qaatay Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Ku Wada Jira Tubta Amniga Iyo Caddaaladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2019 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddi hoosaaska golaha wasiirrada ee tubta amniga iyo caddaalada oo looga hadlay qorshaha tubta ee sannadka 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedadiisa ugu wayn ay ahayd in la isla garto shaqooyinka u yaalla tubta kuwa ugu mudnaanta badan ee la doonayo in sannadkaan gudihiisa lagu fuliyo.

Mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasiirrada qaybta ka ah tubta amniga iyo caddaalada ay shirka kusoo bandhigeen qorshayaasha muhiimadda u leh, kadibna si qota dheer looga dooday.

Isla xisaabtanka uu Ra’iisul wasaaruha xukuumaddu ku kor joogteeyo shaqooyinka wasaaradaha oo markii hore lagu saleeyay wasaaradaha, ayaa loo bedelay tubaha, waxaana maalamaha soo socdana uu Ra’iisul wasaare Khayre sidaan oo kale ula kulamayaa guddi hoosaadyada golaha wasiirrada ee tubaha horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda loo dhanyahay si la isula meel dhigo shaqooyinka hor-tebinta leh ee sannadkaan u qorshaysan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment