894 Views

Midowga Yurub oo Puntland ka fulinaya Mashaariic uu horay uga joojiyey

Midowga Yurub oo Puntland ka fulinaya Mashaariic uu horay uga joojiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Maamulka Puntland ayaa markale xaqiijiyay in Midowga Yurub uu markale dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,taas oo dhismaheeda la joojiyay Bishii September ee sannadkii 2018.

 

Dhismahaas ayaa sababaha loo joojiyay waaa ka mid ahaa eedeyn la xiriirtay musuq maasuq taas oo lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA,hayeeshee dhawaan Midowga Yurub ay bilaabayaan dhismaha wadadaas.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa kulan ay ku yeesheen Magalada Garoowe waxaa ay ku xaqiijiyeen in Midowga Yurub uu markale dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo markii la joojiyay ay sanad kasoo wareegtay.

 

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa sanadkii 2015 siwadajir ah waxaa ay u saxiixeen mashruuca lagu dhisayo wadadaasoo la shegay inay ka baxeyso lacag dhan $21 malyan oo Dollar.

 

Dowladda Jaramalka ayaa qeyb ka ah mashruucaan lagu dhisayo wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, iyada oo bixineysa $18 malyan oo kamid ah $21 malyan eek u baxeysa dhismaha wadadaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment