1137 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jarey dhismaha Xarun qarax lagu burburiyey

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jarey dhismaha Xarun qarax lagu burburiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta Degmada Howl-Wadaag oo dib u dhis Casri ah lagu sameeyay.

 

Xaruntaan ayaa 2-dii Bishii September ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Al-Shabaab ay ku burburiyeen gaari laga suu buuxiyey waxyaabaha qarxa,kaas oo lagu dhuftay dhismaha Xarunta degmada Warta-Nabada.

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Gobolka Banaadir Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Shacabka ay ka go’an tahay dhismaha Xarumaha ku burburey dagaaladii ka dhacay dalka.

 

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada kala Sahqeeyaan sugida Amniga si magaalada Muqdisho u noqoto mid amni ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment