3984 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray ciidanka Booliska Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 20, 2016 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa 73 guurada aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhamaan Ciidanka Boliiska.

Mudane Carteh ayaa ka hadlay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda.

“Waxa aan hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda, Xaasaskooda iyo Carruurta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay maanta ku beegantahay 73 guurada ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Boliiska; ammaan iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa shaacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska.

“Ciidanka Booliska waa hooyada ciidamada qalabka sida ee dalkeenna sidoo kale waa saaxiibka bulshada, sidaa awgeed, dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay gacan ka siiyaan shaqada ay hayaan Ciidanka Booliska oo ah ilaalinta nafta iyo maalka shacbiga”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa u rajeeyay ciidanka Booliska in sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan guul, iyo horumar.

rw-xigeen-booliska-1 rw-xigeen-booliska-2 rw-xigeen-booliska-3 rw-xigeen-booliska-4 rw-xigeen-booliska-5

.

.

.

__________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment