552 Views

Duqa Muqdisho oo dhacdooyinka Amni daro ku eedeeyay gacmo shisheeye oo qarsoon

Duqa Muqdisho oo dhacdooyinka Amni daro ku eedeeyay gacmo shisheeye oo qarsoon
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsih ) ayaa dhalinyarad kunool Caasimada xalay kala qeybgalay Munaasabad ay ku xusayeen (1 luuliyo) oo Maalintii ay gumeestaha ay ka xurooween Koofurta iyo Bartamaha Dalka gumeestihii Talyaaniga iyo israacii Gobalada waqooyi iyo Koofur .
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada kunool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka Magaalada Muqdisho si looga hortaggo qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhaca.

Waxaa tilmaamay gudoomiye Cumar Finish in maalmihii lasoo dhaafay ay soo kordheen falal amni daro oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhacaya goobaha ay dhalinyarada isku yimaadaan loona baahan in laga taxadaro.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la sugi karin Amniga haddii aysan ka qeyb qaadan dadka Shacabka ah ee kunool xaafaddaha magaalada Muqdisho, waxaana uu ku eedeeyay falalka Amni  daro in ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo Qarsoon.
Ciidanka Ammaanka ayaa howlgallo ay sameeyeen Muqdisho kusoo qabtay Saacaddihii lasoo dhaafay kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayay shacabka ka dib markii ciidanka booliska ay ku wargaliyeen dadkii la dhacay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post