3210 Views

Dowlado kale oo taageeray heshiiskii Farmaajo & Uhur Kenyatta

Dowlado kale oo taageeray heshiiskii Farmaajo & Uhur Kenyatta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

 

Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

 

 

 

“Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

 

Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment