873 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in wax laga qabto biyaha xiray jidadka Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in wax laga qabto biyaha xiray jidadka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 3, 2020 –Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ugu yeeray guddoonka gobolka Banaadir ayaa faray in ay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska 3 ruux oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, isagoo maamulka gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen.

“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yiri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post