1371 Views

Natiijada harsan ee doorashooyinkii Somaliland oo maanta lagu dhawaaqayo

Natiijada harsan ee doorashooyinkii Somaliland oo maanta lagu dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Waxaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo natiijada degmooyinka harsan ee doorashada Aqalka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland.

Horay ayaa  shan gobol oo ka mid ah lixda gobol ee ay ka kooban tahay Somaliland doorashadii ka shacday  la shaaciyay naatiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii golaha wakiillada.

Doorashada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ayaa la qabtay toddobaadkii tagay markaas oo boqollaal kun oo qof ay codkooda dhiibteen, iyadoo boqollaal musharraxiin ahna ay kuraasta kala duwan ku tartamayeen.

Illaa iyo haatan natiijooyinka hordhaca ah ee golaha wakiillada ee la shaaciyay ayaanay xildhibaannada ku soo baxay ku jirin wax haween ah.

Goleyaasha deegaanka oo ka kooban 20 degmo doorasho, ayaa si horudhac loo shaaciyay 18 degmo oo ka mid ah, iyadoo labada harsan ay kala yihiin Hargeysa iyo Gebilley oo maanta la filaayo in lagu dhawaaqo.

Aqalka wakiillada ilaa iyo haatan 26 mudane ayaa ku soo baxay shanta gobol ee la shaaciyay, iyadoo ay harsan yihiin labo mudane oo ka soo bixi doona gobolka Maroodi Jeex.

Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo aqalka wakiillada oo ay ku tartamayeen 798 musharrax, waxaa haween ka ahaa 28 keliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post